Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa la kulmay ergayga gaarka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mudane Mutlaq Alqahtani.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo la dagaallanka argagixisada, waxaana guddoomiyaha gobolka Banaadir ku wehliyey kulanka guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir mudane Cali Cabdi Wardheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here