Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Si Kulul U Cambaareeyay Falkii Wuxuushnimada Ahaa Ee Ka Dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii ay argagixisada ay ka fuliyeen goob ay ku qaxweeyaan bulshada.

Guddoomiyaha Cumar Filish ayaa yiri “Waxaan muruga iyo xanuunka la wadaagayaa ehellada dadkii qiimaha badnaa ee ku dhintay falkii waxuushnimada ahaa oo ay argagixisadu galabta ka geesteen maqaaxida Blue Sky, Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan oo ay caadeysteen argagixisadu”.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa baaq u diray shacabka gobolka Banaadir isagoo yiri, “Waa inaan dhamaanteena dowlad iyo shacab u midownaa la dagaallanka iyo cirib-tirka argagixisada oo had iyo jeer falal gurcan la beegsada dadkeena qiimaha badan”.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here