Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta Agoonta ee Warta nabadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish),  ayaa Maanta xariga ka jaray dib u howlgelinta xarunta daryeelka Caruurta dayacan iyo kuwa Agoonta ah ee Degmada Warta Nabadda.

Xarig jarka kadib ayaa Duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish waxa uu kormeeray qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay ee loogu talagalay in lagu daryeelo Caruurta agoonta ah iyo kuwa dayacan si ay u helaan fursad lamid ah kuwa ay Waalidiintooda nool yihiin.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, mudane Cumar Filish, ayaa digniin u diray Dadka sida qaldan u isticmaala Dhulalka danta guud ee Bulshada loogu adeegi lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here