Guddoomiyaha gobolka oo dhagax dhigay waddo muhiim ah-Sawirro

2180

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa casimadda Muqdisho mudane Thabit Cabdi Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay waddada Janaraal Daa’uud ee isku xirta Daljirka daahsoon iyo Baar Ayaan ee waddada 30-ka.

Guddoomiyaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir Zeynab Yuusuf Wehliye, ayaa sheegtay in ay farxad weyn u tahay in dib u dayactir lagu sameynayo maadaama waddadan ay tahay mid muhiim u ah degmada iyo guud ahaan gobolka.

Thaabit Cabdi Maxamed, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhagax dhiga waddadan uu qeyb ka yahay dib u habeyn waddooyinka magaalada Muqdisho, isagoo shacabka Soomaaliyeed u sheegay in waddooyinka ayagu leeyihiin loona baahan yahay ilaalintooda.

Waddada Janaraal Daa’uud ayaa ka bilaabata taaladda Dal-jirka Dahsoon ee degmada Boodheere gaartana waddada 30 –ka, waana marin muhiim u ah iso socodka magaalada Muqdisho.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here