Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo kulan la qaatay Ambassador Francisco Madeira

Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax iyo ku-xigeenkiisa dhanka Maaliyadda ayaa magaalada Muqdisho Kulan kula qaatay Ambassador Francisco Madeira, wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u fadhiya Soomaaliya.

 

Kulanka Goddoomiye Ibaarim Najax iyo Ambassador Francisco Madeira ayaa looga hadlay xoojinta Howlgallada ka dhanka Argaggixisada Al-shabaab ee kasocda Gobolka shabeellaha Hoose.

“Balantu waa ciidamada xooga dalka,kuuwa AMISOM iyo maamulka gobolka inay xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya si iftiinka dowliga loo gaarsiiyo meel walba oo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose”ayuu yiri Guddoomiye Najax

Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax ayaa sheegay in sanadkaan 2019-ka  Kooxda Alshabaab laga xoreynayo qeybaha ay kaga harsanyihiin  Gobolka shabeelaha hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here