Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo qaabilay madax ka socotay hey’adda UNDP

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan barnaamijyada Horumarinta ee (UNdP).

Kulanka oo uu guddoomiyuhu la yeeshey kuxigeenka Wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Golaha Shacabka iyo Hay’adda UNDP.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa muujiyay ahmiyadda ay leedahay sidii loo dardargelin lahaa wadashaqeynta labada dhinac.

Hay’adda UNDP ee QM ayaa kamid ah hay’adaha taageera Dowladda
Soomaaliya,iyadoo fulisa mashaariic badan oo dhanka Horumarinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here