Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo baaq ka soo saaray xaaladaha ka taagan Baydhabo

 Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayuu kaga hadlay arrimo ay kamid yihiin rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo,isagoo baaqyana ka soo saaray shirkiisa jaraaid.

 

Guddoomiye Mursal ayaa ku baaqay in la siidaayo Mukhtaar Roobow,isalmarkaana ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed in ay degnaansho muujiyaan si loo baajiyo in dhiig shacab uu daato.

Sidoo kale Mudane Maxmed Mursal Sheekh C/raxmaan waxaa kale oo uu ka hadlay arrimaha doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed wuxuu ugu baaqay guddiga doorashadu in ay dib u dhigaan doorashada,si loo xaliyo xaaladaha rabshadaha ah ee ka taagan magaaladaasi.

Hadalka guddoomiye Mursal ayaa imaanaya iyadoo maalmahan magaalada Baydhabo ay ka dhacayeen dibadbaxyo rabshado wata,isagoo xusay in aan loo bahanyahay in laga fogaado waxkasta oo bulshada dibaato u keeni kara

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here