Guddoomiyaha Golaha shacabka oo la kulmay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya+Sawirro

652

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmay Safiirka dowladda Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mohamed A. Khayaat.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Shacab iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha Horumarinta.

Guddoomiye Mursal ayaa Safiirka kaga mahad celiyay booqashada uu ugu yimid iyo warbixinta uu ka siiyay howlaha horumarinta ee dowladda Sacuudiga ay ka wado Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa ka mid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya kana taageero dhinacyada horumarinta,nabada iyo waliba kabidda miisaaniyadda dalka.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here