Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shirka Midowga Baarlamaanada Carabta uga qeyb galaya Jordan

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shalay gaaray magaaladda Amman ee Caasimadda Dalka Jordan uga qeyb galaya shirka 30-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta.

Shirka Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa looga hadlayaa heshiiska qarniga ee uu dhawaan ansaxiyay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wafdiga oo shalay gaaray dalka Jordan waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jordan oo uu ka mid yahay  Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Baarlamaanka ee Dalka Jordan Ibrahim Al-Qur’an.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa la filayaa inay kulamo la qaataan Madaxda dalkaasi oo ay kaga hadlayaan xoojhinta xiriirka labada dal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here