Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

445

Guddoomiyaha Golaha Shacanbka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Carlo Campanile, ergayga gaarka ah ee dowladda Talyaaniga  qaabilsan geeska Afrika Lucino Pezzotti iyo sidoo kale mas’uuliyin kale oo socotay safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan iyo sidoo kale sameynta guddi ka shaqeeya saaxiibtinimada Baarlamaanada labada wadan.

Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Cosoble oo ah Guddoomiyaha Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa kala warqaadasho xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labad baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Kulanka ayaa ku soo idlaaday guul iyo isgarad.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here