Guddoomiyaha Golaha shacabka oo Xukuumadda ugu baaqay inay soo gudbiso Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka

Ugu horeyn Guddoomiyaha Maxkamadd sare ee Dalka ayaa goobta xafladda furitaanka kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka ku dhaariyay Xildhibaan Cusub oo kusoo biiray golaha Shacabka Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Maxamed.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Eng, Cabdriaxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa balan qaaday in ka maamul ahaan ay sii xoojin doonaan wacyi gelinta bulshada si hanaanka dowladnimo loo gaarsiiyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Jubaland oo Sidoo kale ku hadlayay magaca dhigiisa Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya iyo sidoo kale Guddoomiyaasha kale ee golahaasha wakiilada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda dhexe ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada si dalka midnimo iyo horumar kan ka balaaran loo gaarsiiyo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal  Sheekh Cabdiraxmaan oo Sidoo kale qudbad ka jeediyay xafladda furitaanka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka ayaa ugu horeyn ka hadlay waxyaabihii golaha usoo qabsoomay kalfadhigii afaraad iyo shuruucda hortaala kalfadhigan shanaad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta la xiriirta dhameystirka dastuurka Dalka iyo qodobada qaar oo uu sheegay in ay ubaahanyihiin in laga galo wada xaajood siyaasadeed.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya looga baahanyahay in si deg deg ah golaha ugu soo gudbiso Hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here