Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal oo caawa ku geeriyooday Muqdisho

Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariisto Guddoomiyihii Gudigga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Fadraal ee Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Dhakhaatiirta Isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa waqtiyadii u dambeysay la xanuunsanayay cudurka COVID-19, kaasi oo lagu dabiibayay Isbitaalka Martini

Allaha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.