Guddoomiyaha Hiiraan: Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe,

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in shirka maamul-u-sameynta Hiiraan iyo Shebeelaha Dhexe uu dhawaan ka furmi doono magaallada Beledweyne ee xarunta gobolkaHiiraan.

Isagoo dad kula hadlayay magaalada Beledweyne ayuu sheegay in shirku uu dhawaan ka furmi doono Beledweyne sida ay isla garteen masuuliyiinta dowladda dhexe.

“Waxaa todobaadka soo socda ka furmaya Beledweyn shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waa la socotaa Federaalka sameyntiisa inay socoto, waxaa ugu baaqayaa reer Hiiraan in martida idin imaaneysa soo dhoweysaan, guryaha ugu baxdaan” ayuu yiri C/fataax Xasan Afrax.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan la billaabi doono dhisidda maamulka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo qeyb ka noqon doona dowlad-goboleedyada waddanka, hase yeeshee wali ma aysan shaacin dowladda dhexe halka lagu qabanayo shirka.

Dhawaan shir ay hoggaaminaysay wasaaradda arrimaha gudaha, oo ay isugu yimaadeen bulshada deggan gobollada Mudug iyo Galguduud ayaa lagu qabtay degmada Cadaado, halkaas oo lagu dhisay dowlad-goboleedka Galmudug. Hannaanka maamul dhisiddy waa mid dalka lagu gaarsiinayo nimaad federaal ah sida ku cad dastuurka KMG ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here