Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo sheegay inuu dib u habeyn ku sameyn doono hanaanka Garsoorka

0
1605
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay inuu sameyn doono dib u habayn balaaran oo ku aadan hanaanka garsoorka dalka, xilli shalay uu la wareegay xilkiisa.Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in dhowaan la dhisi doono guddiga adeegga garsoorka oo muddo badan lagu taamayay, si garsoorka dalka uu u noqdo mid hufan oo madax bannaan.

Sidoo kale, wadashaqaynta xiriirka hay’adaha cadaaladda ka shaqeeya, tababarista xirfadlayaasha garsoorka iyo tayada adeegga garsoorka ee shacabka ayuu xusay inuu ahmiyad wayn siin doono.

Guddoomiyaha cusub Maxkamada sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay Guddoomiyihii hore ee Maxkamada sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo mudo xilkan soo hayay.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here