Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo tababar u furay Garsoorayaal+Sawirro

400

Gudoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta oo Taariikhdu tahay 28/10/2018  tababar u furay Garsoorayaal ,sidoo kale waxaa uu Tababar u soo xiray dhalinyaro ka soo baxay kulliyada sharciga oo Tababar layli garsooranimo ku soo qaatay Maxkamadaha darajooyinkooda kala duwan yihiin.

Xaflada ayaa Waxaa  Goobjoog ahaa Guddomiyeyaasha Maxkamaddaha Rafcaanka Gobolka Banaadir iyo Gobolka Banaadir.

Garsoorayaasha loo furay tababarka ayaa tiradoodu waxay gaareysa labo iyo toban Garsoore sidoo kale  dhalinyarada loo soo  xiray layli Garsooranimo  ayaa gaarayay siddeed Dhalinyaro

Ugu Dambayn, Guddoomiyaha Maxkamadda sare dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed  oo ay garab taagan yihiin Gudoomiyeyaasha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Iyo Gobolka Banaadir ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay dhalinyarada oo uu u xiray Tababar.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here