Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir oo kormeeray Maxkamadaha Degmooyinka Dayniile iyo Warta nabada

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Maxkamadaha Degmooyinka Dayniile Iyo Warta Nabada.

 

Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa la kulmay Masuuliyiinta Labada degmo iyo Bulshada degmooyinkaas, wuxuuna ka wareystay Xaaladihii ugu dambeeyay iyo wadashaqeynta u dhaxeysa.

Sidoo kale Waxaa uu kormeeray Maxaabiista ku xiran labada Saldhig si loo ilaaliyo Xuquuqda Maxaabiista

Guddoomiyaha Maxkamdda Rafcaanka Gobollka Banaadir ayaa kormeer joogta ku sameeya Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir asagoo u kuur galaya howlaha shaqo ay u hayaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir iyo wixii caqabado ka jira habsami u socodka howlaha.

Kormeerka Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa ahaan doona mid joogta ah si loo gaaro Garsoor Caddaalad ku dhisan oo ummadda ugu adeega si Daacadnimo iyo Caddaalad ah.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here