Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir oo Maxkamadaha Degmooyinka Gobalka ku wareejiyay Diiwaano Casri ah+Sawirro

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa kuwareejiyay dhamaan Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir Diiwaano Casri ah oo ay kushaqeyn doonaan Sanadka Cusub ee 2019.

 

Xaflad kooban oo ka dhacday Xafiiska Guddoomiyaha oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macalim Maxamed ayaa Maxkamad kasta lagu wareejiyay ilaa iyo Sagaal Diiwaan.

Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ayaa sheegay in uu doonaya in Qorsheyaal cusub ka hirgaliyo Dhamaan Maxkamadaha Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here