Guddoomiyaha Sh/hoose oo ka tacsiyeeyey geerida geerida Saraakiishii iyo Askartii ku shahiiday qaraxii ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane

469

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo lahaday Radio Muqdisho ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Saraakiishii iyo Askartii ku shahiiday qaraxii ka dhacay meel u dhow degaanka Dhanaane.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in in Saraakiisha shaqo badan kasoo qabteen Gobolka Shabeellaha Hoose kuwaas oo ay kamid yihiin dagaalo toos ah oo ay lagaleeen Maleeshiyaadka Al Shabaab.

Gudooomiyaha Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre waxaa uu tilmaamay in Ciidanka iyo Saraakiisha kale ee ka howlgala Shabeellaha Hoose aysan arrintan marnaba niyad jabin doonin.

“Howlgaladda ka socda Gobolkan sidoodii ayey u sii socon doonaan waxaana kasii qaadeynaa arrintan howkarnimo dheeri ah iyagu waxaa hadda yihiin kuwo gacan ku ganbad ah meelo badan ayaa laga saaray kuwaas oo muhiim ah” sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Gudooomiyaha oo dhameystiran

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here