Guddoomiye Basmo oo degmada Shibis ka daah-furtay tartanka kubadda Kolayga+SAWIRRO

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta gobolka Banaadir, Marwo Basma Caamir “Jakeetti” ayaa xalay daah-furtay tartanka kubadda kolayga oo loo qabanayo saddex koox oo ka tirsan degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa kooxahaan oo gabdho ah ku boggaadisay dadaalka ay ugu jiraan in ay ka miro dhaliyaan hadafkooda, iyadoo u rajeysay in uu tartanku ugu soo dhamaado jawi nabdoon.

Tartankaan oo qeyb ka ah isdhexgalka bulshada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab, Afhayeenka gobolka Saalax Dheere,Guddoomiyaha isboortiga Xasan Wiish iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here