Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay wado muhiim u ah shacabka Wadajir iyo Dharkeynley+Sawirro

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magalada muqdisho Mudane  Cumar Maxamuud Maxamed Flish ayaa waxaa maanta dhagax dhigay wadada jaale siyaad oo xiriirisa isgoysyada korontada iyo xoosh ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada dhagax dhiga waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha degmooyinka Dharkeynle Guhaad Sheekh Xasan iyo guddoomiyaha degmada wadajir Bashiir Maxamed Cali.

Wadada ayaa waxa ay marin muhiim ah tahaya dadweynaha ku nool labada degmada maadaama ay ka mid tahay wadooyinka ugu ganacsiga badan iyadoo ay yalaan suuqyo iyo goobo kale .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa kula dardaarmay shacabka degmooyinka wadjir iyo dharkeynley in ay ka qeyb qaataan dhismaha wadada oo aan helin dayactir 30-kii sano ee la soo dhaafay waxaana sidoo kale uu kula dar daarmay inay ilaaliyaan nadaafada .

Facebook

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here