Guddoomiye Jawaari oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

0
3329

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo maanta Dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cadde ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku-xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha shacabka, Xildhibaanno iyo howl wadeenada Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen ayaa kulan gaar ah oo ay kaga hadlayeen dar dar gelinta howlaha golaha shacabka oo kalfadhigiisa labaad dhawaan la filayo in uu furmo Muqdisho ku yeeshay qeybta nasashada ee Garoonka.

Xoghayaha Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari iyo labadiisa ku-xigeen ay ka wada hadleen shirka Golaha Shacabka oo furmayo 8- bisha July oo ah maalin sabti ah.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here