Guddoomiye ku Xigeenka Golaha Shacabka oo Nairobi tababar uga furay Guddiyada Golaha qaarkood “Video”

1001

Siminaarkan oo socon doona muddo 2 maalin ah ayaa waxaa magaalada Nairobi ka furay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Soomaaliyeed mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Siminaarka oo ay soo qaban qaabisay hay’add UNODC ayaa ku saabsan ka hor tagida dhibaatooyinka tahriibka, waxaana ka qeybgalay xubno ka tirsan guddiyada baarlamaanka oo uu ugu horreeyo guddiyada arrimaha dibadda ee baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Soomaaliyeed, mudane Mahad Cabdalla Cawad oo hadal ka jeediyay kullanka ayaa tilmaamay in Ra’isul wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ay ku soo ballameen in shirkan ay uga qeybgalaan magaalada Nairobi, uuna ka aqbalay ra’isul wasaaraha.

Isagoo hadalkiisa sii wata guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayuu hoosta ka xariiqay in sharciyo badan ay ansxiyeen baarlamaankii 9-aad, isla markaana xiriir wada shaqeyn oo dhow ah ay la leeyihiin xukuumadda.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here