Guddoomiye Mursal Oo La Kulmay Guddiyada Dastuurka Ee Baarlamaanka Iyo Kan Madaxa Banaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa la kulmay guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka, wuxuuna ka dhagaystay warbixin ku aadan guulaha laga gaaray geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo caqabadaha hortaagan dhamaystirka Dastuurka.

Guddoomiyahu wuxuu bogaadiyey hawsha ay qabteen labada guddi asagoo lawadaagay sida xal loogu heli lahaa caqabadaha heysta.

Labada Guddi ayaa looga fadhiyaa inay dib u qaabeyn ku sameyaan qabyo qoraalka dastuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here