Guddoomiye Muungaab oo dhagax dhigay mashruuc laami lagu saarayo Isgoysyada Sayidka iyo Baar Ubax “SAWIRRO + Muuqaal”

5038

Guddomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc laami lagu saarayo inta u dhexeysa isgoysyada Sayidka iyo Baar Ubax ee magaalada Muqdisho.

Mashruucaan laamiga lagu saarayo jidka u dhexeysa labadaasi isgoys ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Benaadir iyo ganacsatada Suuqa Bakaaraha, si loo soo celiyo bilicdii ay caasimaddu lahayd, waxaana bar bar socotay bur burinta dhismayaasha sharci darada ah oo ku yaala wadada hareeraheeda.

Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Axmed Nuur Cali Siyaad oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in dib u habeynta laamiyada ay qeyb lixaad leh ka qaadan karto in ay dib u soo laabato bilicdii magaaladu lahaan jirtay.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo furay mashruuca lagu saarayo laamiga ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay horumarka dalka iyo bilicda Muqdisho, isagoo ugu baaqay bulshada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

“Ma ahan laami la dayactirayo, ma ahan in shamiindo lagu shubayo meel god ah, sida aan ka baranay Walaalaha Turkiga ayaan u dhiseynaa laamigan oo aan jecelnahay inay ku soo baxaan qurux” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan mashruuca dalkaaga dhiso, si loo soo celiyo adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

Mashaariic lagu horumarinayo dalkaaga dhiso ayaa ah mid uu horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

DSCF1791

DSCF1793

DSCF1794

DSCF1799

DSCF1820

DSCF1815

DSCF1814

DSCF1804

DSCF1800

DSCF1823

DSCF1836

DSCF1854

DSCF1857

DSCF1864Sawir Qaade:- Jabiiba

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waxaa caado ah in qofkastoo wadankiisa jeceli hadoow arko horumar u soo kordhay ow ku farxo waxaana beryahaan
    si xowli ah u socday dadaalka ow wado gobalka banaadir

    anigoo markastoo aan arko horumar wadanka usoo siyaaday ku farxo ayaa maanta farxadeydu waxeey tahay farxadyaal waayoo jidkaan la dhisaayo waa jid ow raadkeygu ku yaalo waa xaafadaan ku soo koray allaahu akbar
    xusuus iyo berisamaadkii meeshaadku soo kortay iyo meelaha kalana kala xusuus badan, baar ubax, baar caasho iskool axmad gurey, iskool,xamarjadiid,suuqa bakaaro, dugsisare howlwadaag,jidka sayidka, xasuus aan iga go,eyn waligeed illaahey mahadiina maanta bilicdeedi soo noqoneyso waxaan illaaheey ka baryayaa in deriskii iyo walaalahii soomaaliyeed een deriswanaaga aheyn ay meelkastoo caalamka ay ka joogaan ay maanta nabad qabaan illaaheyna isu kaaya soo celiyo anagoo sideeni isu jecel intii naga dhimatay illaahey u naxariisto intii noolna aan markale daris wadaagno yaa rabbi.maahmaah ayaa waxeey tiraahdaa macarifatu qadiima khayrun mina nasab oo micnaheedu yahay is aqoon hore waxeey ka fiicantahay is qabiilaysi.
    ummadeenu waa walaalo waxaana ka dhaxeeyo wadan diin iyo xidid illaaheey shacabkeena qalbigooda ha isu soo jeediyo hana ka dhaxsaaro qabyaalada iyo qurunkeeda aamiin.

    waxaan halkaan salaan sharafleh uga dirayaa mudane muungaab iyo fariiqiisa dhaliyarada ah ee dhexda u xirtay ineey soo celiyaan bilicdii muqdisho mahadsanidiin dadaalkiinana halkiina ka sii wada,waxaad tihiin indhihii ummada soomaaliyeed waxaadna naga saarteen rajo xumadii ummada ku dhacday illaaheey shar iyo shaydaan ha idinka xifdiyo abaalkiinana jano haka dhigo aamiin

    waxaan kaloo salaan sharafleh u dirayaa bahda raadiyo muqdisho oo marwalba noo soo bandhigo horumarka wadanka qaasatan caasimada, mahadsanidiin illaaheyna ha idiin fududeeyo howsha aad haysiin .

    waxaan idiinkaaga tagayaa hal sadar oo ka mid ah hees ay ku heesi jireen reer howlwadaag mararka ay shirarka qabaan iyo mararka ay qabaan shaqo iskaa wax u qabso ah sida dhisida iskoolada qasabka la dhihi jiray iyo nadiifinta wadooyinka degmada.
    (howlwadaag hadaan nahay howsha wow horeynaa habka towradeeniyo hanaankaan la soconaa)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here