Guddoomiye Yariisoow oo xarigga ka jaray qayb ka mid ah Isbitaalka Deyniile

0
1421

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Safiirka dowladda Norway ee Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah xariga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Deyniile ee Gobolka banaadir.

Qeybtan cusub ayaa ah qeybta ileyska cadceeda ku shaqaysa  oo muhiim u ah howlaha Isbitaalka iyo adeegyada loo qabanayo Shacabka.

Munaasabada xarig jarka waxaa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Mudane Cabdullaahi Xaashi, Xubno ka socda Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Tamarta ee Xukuumada Soomaaliya, Maamulka Degmada Deyniile iyo Maamulka gacanta ku haya Isbitaalka Guud ee Deyniile iyo Masuuliyiin kale.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here