Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare oo qaabilay ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM

1715

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Jeffrey Feltman oo ah ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca siyaasadda.

Kulanka oo ay sidoo kale waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Wasuiirka dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya, waxaana looga hadlay dhameystirka dastuurka dalka iyo sidii loo de dejinta lahaa.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa sheegay in shirka looga hadlay hal qodob oo ah dhameystirka geeddi socodka dastuurka, isla markaana waqti gaaban lagu sameeyo dastuurka, iyadoo lala kaashanaya qeybaha kale ee bulshada.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here