Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Kismaayo

Alle ha u naxariistee waxaa salaadii Jimcada kaddib qarax lala beegsaday dhaawacii ka soo gaaray u dhintay Guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.

Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay wiil uu adeer u ahaa guddoomiyuhu, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6-ruux oo saddex ka mid ah ay ilaaladiisa ahaayeen.

Qaraxa oo uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha Qarxa ayaa ka dhacay agagaarka Masjid u dhaw xarunta Maamulka Degmada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here