Guddoonka Aqalka sare oo qaabbilay Amb,Nicholas Haysom (Sawirro)

878

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Wakiilka Cusub ee Xoghayaha Qaramada-midoobay Somaaliya, Nicholas Haysom.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay u wada shaqayn lahayeen Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ka qaybgalay kulanka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare , Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo hab-dhowraha guud ee Golaha, C/kaafi Macallin Xasan.

Ergeyga Cusub ee Xoghayaha Qaramada-midoobay u qaabbilsan Somaaliya, Nicholas Haysom, ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisha, isagoo sidoo kale kulamo la qaatay Madaxda ugu sarreeysa Qaranka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here