Guddoonka Baarlamaanka oo tacsi diray howl Wadeen ka tirsan barlamaanka oo Muqdisho lagu dilay

0
4235

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida howl wadeen ka tirsan shaqaallaha xarunta Golaha Shacabka oo fiidnimadii caawa ay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho.

ugu horeyn aniga oo ku hadlaya magaceyga Guddoonka Golaha Shacabka, magaceyga iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka doonayaa inaan tacsi u diro ehellada,carruurta iyo qoyska uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee marxuum Salaad Maxamed Sabriye oo ka tirsanaa howl wadeennada ka howlgala xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaan Alle uga baryeynaa in naxariistiisa jano uu siiyo gacan ka gardaran ayaa dishay maruuxka” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Ugu dambeyntii waxa uu tacsi gaar ah u diray howl wadeennada Golaha Shacabka oo marxuum Salaad Maxamed Sabriye ka tirsanaa waxaana uu Alle uga baryey in samir iyo iimaan uu ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here