Guddoonka Baarlamaanka Oo Shir Guddoomiyey Kulammo U Dhaxeeya Guddiyada Iyo Wasiirrada

0
1128

Kulammo howleedyadan u dhaxeeyey Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Wasaarradaha Xukuumadda ayaa ka dhashay qorshe howleedka Xukuumadda ee faah faahsan ee maalinnimadii shalay aheyd uu Ra’isulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke shalay horgeeyey Golaha Shacabka waxaana maanta guddiyada joogtada ah qaarkood qaabileen ilaa lix Wasiir ayadoo kulammadaasina ay shir guddoominayeen Guddoonka Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa guddoomiyey kulan howleed ay guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee Baarlamaanka ku kala qaabileen Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” iyo Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed.

Afhayeenka Baarlamaanka oo ka hadlayey furitaanka kulan howleedkan ayaa tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay sidii loo fududeyn lahaa isla xisaabtanka hay’adaha dowladda si loo gaaro halka la hiigsanayo sanadka 2016ka.

“maanta ma faaqideyno arrimaha amniga guud ahaan waxa aan fiirineyno waxa weeyaan qorshaha oo ay ku heshiinayaan guddiga iyo waxa ay Wasaaradda fulineyso ayaan isla meel dhigeynaa oo ma ahan amniga oo kaliya laakiin Xildhibaanku waxa uu maskaxda ku hayo waa waxyaabaha amnigu tabanayo in sanadkaas la qabto, arrimaha aan doonayo in guddiga iyo wasaaradda ay si fiican isula meel dhigaan waqtiyada ama taariikhda la qabanayo shaqooyinka oo aanay ku jirin barnaamijkii la qeybiyey” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa isaguna shir guddoomiyey kulan ay guddiga gaadiidka,dekedaha iyo howlaha guud ee Baarlamaanka si kala gaar gaar ah ugu qaabileen Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo duuliista Mudane Cali Axmed Jaamac “Jangali” iyo Wasiirka Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Mudane Saalax Sheekh Cusmaan.

“mudaneyaal guddiga gaadiidka,dekedaha iyo howlaha guud waxey maanta kulan la yeesheen Wasiirrada gaadiidka iyo howlaha guud, runtii waxa uu ahaa kulan aad u muhiim ah waayo waxyaabo badan ayey guddiga iyo wasaarradaha ka wada hadleen, is afgarad wanaagsanna laga gaaray, kulammada noocaan ah ee u dhaxeeya wasaaradaha iyo guddiyada golahana waa ay sii socon doonaan” ayuu yiri Mudane Jeeylaani Nuur Iikar.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isaguna shir guddoomiyey kulan ay guddiga kheyraadka ee Baarlamaanka iyana lakala yeesheen Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Mudane Maxamed Cumar Ceymoy iyo Wasiirka Beeraha Mudane Axmed Xasan Gaboobe “Ugaas Bile”.

“kulammadii ugu horeeyey ee bilowga u ahaa kulammo howleedyo muhiim u ah shaqada dowladnimada ayaa maanta soconaya, go’aannada kulammadan kasoo baxana waxey noqon doonaan kuwo haga shaqada islamarkaana lagu xisaabtami doono, runtii tani waxey fududeyn doontaa iskaashiga iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda “ayuu yiri Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka.

Kulammo howleedyadan maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho waxa ay bilow u yihiin kulammo maalmaha soo socda dhexmari doona guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Wasaaradaha Xukuumadda guud ahaan kuwaasi oo iyagu lagu dejin doono howlaha la qabanayo iyo dhammaan waqtiyada ay shaqooyinkaasi qabsoomi doonaan waanna howl sii adkeyn doonta isla xisaabtanka laamaha fulinta iyo sharci dejinta.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here