Guddoonka Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay weerarka ka dhacay Muqdisho

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

 

Sidoo kale guddoonka ayaa tacsi u diray ehelada, Xukuumadda Soomaaliya, labada golle ee Baarlamaanka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, oo ka mid ahaa dadkii ku dhibtay weerarka maanta ka dhacay Muqdisho.

Ciidanka amniga ayaa toogtay dhammaan maleeshiyaadkii soo weeraray Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada ee Dowladda Soomaaliya, iyadoo ciidamadu ay ka hor istaageen argagixisada hadafkoodii ahaa inay laayaan dadka shacabka ah.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here