Guddoonka Golaha Shacabka, Wasiirro iyo Duqa Muqdisho oo soo dhaweeyey deeq ka timid Puntland “SAWIRRO”

2506

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Saciid Faarax (Juxa), Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Drs Fowziya Abiikar Nuur, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa  garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay deeq dawo ah oo ka timid dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale deeqda daawada ah waxaa la socday wafdi ka dhaqaatiir ah iyo Wasiirka Caafimaadka ee Punland, kaasi oo sheegay in kaalmadan ay tahay mid ay ugu talagaleen dadkii ku dhaawacmay weerarkii 14-kii bishan ka dhacday Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland sida ay uga qeyb qaadanayaan ka maamul ahaan howlaha gurmadka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here