Gudi wasiiro ah oo loo xilsaaray arimaha qaxootiga Yeman oo kulan yeeshay

1077

Kulan ay yeesheen Gudiga Golaha Wasiirada ee loo xilsaaray gurmadka iyo Taakuleynta Qaxootiga ka soo cararaya dagaalada ka soconaya dalka Yemen oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa lagu gaaray go’aamada hoos ku qoran:-

Ø  Ugu horeyn Gudigu waxay warbixino iska weydaarsadeen xaalada ay ku sugan yihiin qaxootiga faraha badan ee soo gaadhay  Boosaaso iyo Berbera.

Ø  Gudigu wuxuu u mahadceliyey Maamulka Puntland iyo Soomaaliland sida wanaagsan ee ay isugu xilqaameen gurmadka iyo taakuleynta dadkaas tabaalaysan, sidoo kale waxay u mahadceliyeen Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Hay’daha Caalamiga ah ee deeqaha kala duwan gaadhsiiyey qaxootiga.

Ø  Qaxootiga ka imaanaya dalka Yeman waxay isugu jiraan Soomaali, Ethiopian iyo Yemeniyiin, waxaana gudigu go’aamiyey in meesha ugu horaysa ee dadkaas ka soo galaan dalka looga sameeyo diiwaangelin, lagana siiyo aqoonsi muujinaya in ay yihiin Qaxooti Soomaaliyeed oo dib ugu soo laabtay dalkooda ama Qaxooti ajnebi ah oo u gudbiya dalkooda Ethiopia ama Qaxooti magangelyo ka doonaya Soomaaliya.

Ø  Gudigu wuxuu go’miyey in wafti wasiiro ah loo diro Puntland si laysula qiimeeyo xaaladda Bini’aadninimo iyo amni ee ka dhalan karta Qaxootigaas fara badan, iyo sidii Dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo Dawlad  Puntland isula dheel dhigi lahaayeen qaabka ugu wanaagsan ee loo maamulayo Qaxootigaas sadexda weji leh.

Ø  Gudigu waxay qireen in dadka Qaxootia ahi ku jiraan xaalad naxdin iyo argagax leh, waxayna ugu horeyn Ilaahay ka baryeen in uu naxariistiisa ku soo dejiyo dadkaas dhibaataysan iyo dalka Yemen, ka dibna waxay ugu baaqay Haweenka Soomaaliyeed, ganacsatada Soomaaliyeed, Siyaasiyiinta, Sulaadiinta, Culimo awdiinka, shaqaalaha dawladda iyo muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu wixii karaankiisa ah ugu soo deeqo dadkaas walaalihiis ah ee dhibaataysan.

Ø  Gudiga iyagoo la tashanaya Dawladaha Federaalka ee Qaxootigu ka soo degaan, Gudiga gurmadka Qaranka ee uu madaxda u yahay Shiekh Nuur Baaruud, hay’adaha qaabilsan Qatootiga iyo deeq bixiyayaasha waxay la imaan doonaan qorshe Qaxootiga Soomaaliyeed ee dib uga soo noqonaya dalka Yemen dib loogu celiyo degaamadoodii loona warhayo sidii ay ula qabsan lahaayeen nolosha bulshada ay waqtiga dheer ka maqnaayeen, Qaxootiga Yemeniyiinta ah waxaa lagu soo dhoweynayaa gacmo furan, waxaana lagu dhaqayaa xeerarka caalamiga ah ee Qaxootiga

 

 

 

 

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Hadaan lakala roonaan roob ma da’o baa la yiri. Sharaf bey u tahay in dadka jooga xamar in ay dadka waqooyi ka yimi ay soo dhaweeyaan oo ay ka shaqeystaan waaney ku barakoobayaan insha Allah. Walaal soomali quluubteeda Alle ha isku soo dhaweeyo amiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here