Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka oo ku baaqay dardar galinta dhismaha maamulka g/dhexe

1201

Gudoomiyaha Gudiga Dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed Ismaaciil Macalin Muuse oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho kadib Kulan Xubnaha Gudigu ay ku wada qaateen Xafiiskooda Muqdishu ayuu Gudoomiyuhu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay hawlaha maamul u Samaynta Mudug iyo Galgaduud iyo heshiis laga gaaray beelo mudo dagaalkooda uu ka socday qayba ka mid ah Shabeelaha Dhexe.

Mudane Ismaaciil Macalin Muuse Gudoomiyaha Gudiga Dib u heshiisiinta Qaranka ayaa ugu horayn talaabo lagu farxo waxaa uu ku tilmaamay guusha laga gaaray dagaal muddo soo jiitamayay oo u dhexeeyay beela Soomaaliyeed oo wada daga Gobolka Shabelaha Dhexe.

Gudoomiyaha Gudiga Dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse ayaa dhinaca kale Bogaadiyay Dadaalka Maamulka loogu Samaynaayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud kaas oo iminka shirkiisu uu ka socdo Magaalada Caddaado waxaana uu ku bogaadiyay dhinacyada oo dhan in ay ku dadaalaan sidii shirkaasi uu u mira dhali lahaa.

Gudiga dib u heshiisiinta Qaranka oo ka mid ah Gudiyada Qaranka ayaa tan iyo markii Gudigaaasi la Sameeyay waxa uu waday dadaalo ku aadan sidii uu u gudan lahaa waajibaadka Qaran ee  dhinaca Dib u heshiisiinta,

Xaaladaha Dhaqaala darida iyo midka amni ee ku xeendaaban ayaa u Suurtagalin waysay in gudigu wax badan oo ka mid ah wixii looga baahnaa aysan qabsoomin  waloow dadaalkoodu uu tilmaan u yahay sida ay uga go’an tahay muujinta doorkooda  dib u heshiisinta.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here