Gudiga Difaac iyo Amniga ee Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyay saraakiil ka tirsan laamaha amniga

1
966

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ay Guddiyada Difaaca iyo Amniga ee Baarlamaanka Su’aallo la xiriira dilka Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ku weydiinayeen Saraakiil ka kala socotay hay’adaha ammaanka dalka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Vila Hargeysa ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida,saraakiil kala kala socotay talisyada Xoogga Dalka,Booliiska, nabad sugidda,waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha waxaana saraakiishan la weeydiiyey su’aallo la xiriiray dil magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi oo 23-kii bishan.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay furitaankii kulankan ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah ay leeyihiin shirarka ceynkan ah ee ay guddiyada su’aallaha taagan ku weeydiinayaan hay’adaha dowladda.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya C/laahi Cabdi Wehliye oo ka jawaabayey su’aallaha la weeydiiyey ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka dalka ay gacanta ku hayaan rag lala xiriirinayo iney ka dambeeyaan falkaasi dilka ah ee loo geystay Mudane ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulammo ay guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya su’aallo ku weeydiinayaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda ayadoo kulammada noocaan ah ee muujinaya isla xisaabtankana uu qeyb ka yahay hirgelinta nidaamka dowliga ah.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Guddiga waxaa si deg-deg ah laga sugayaa inay sharciga soo taagaan gacan-ku-dhiiglayaasha si xaq-darra ah u dilay naxariistii janno allaah ha siiyee xildhibaan yuusuf dirir iyo darawalkiisa
    Fadlan si dhab ah oo deg deg ah ha la caddeeyo mujrimiinta tallaabadan ku kacday si ay caddaaladdu
    U meel marto dambiilayaashana jasadoodoy la mariyo.wbt

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here