Gudiga isku xirka howlgalada AMISOM oo ku kulmay Adis ababa

1342

Shirkii 15 aad ee howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta ka furmay magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana shirkan isugu yimid gudiga isku xirka howlgalada Militir AMISOM ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa jooga taliyaha ciidanka militiriga AMISOM, kan Boliiska iyo saraakiisha sare ee midowga Afrika, iyadoo kulanka ay goob joogka ahaayeen gudiga nabadgeliyadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika.

Guddoomiyaha gudiga nabadgeliyadda iyo ammaanka ee midowga Afrika Smail Chergui, oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in ciidanka AMISOM iyo kuwa xooga dalka Soomaaliyeed ay hantaan dhamaan deegaanada ay ku sugan yihiin kooxaha nabad diidka ah, isagoo tacsi u direy ehelada askartii dhowaan ku geeriyootay deegaanka Leego oo ka soo jeeday dalka Burundi.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika Ambassador Maman S. Sidikou ayaa mas’uuliyiintii k ulanka ka qeybgalay ugu warbixiyay xaaladda amni tan siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waxaan aad uga xumaanay xasuuqii loo geystay ciidamadii burundi ee lagu laayay xerada leego waxaana xasuuqay kuwii xasuuqi jiray shacabka soomaaliyeed, oo sheegta magaca islaamka laakiin islaamku ow bari ka yahay,
    waxaa jirta in dowladu ay dadaal wado si ay u hanato amaanka wadankeena waana dadaal ay shacabkeenu ku faraxsanyihiin, iyadoo kaashaneeyso ciidamada afriko,waxaase jirto in soomaaliyi horey ugu maahmaahday biyo gacantaadaa looga dhargaa oo aan ula jeedo in ciidamada afriko ay yihiin kaalmo laakiin aaneey aheeyn kuwo wadankeena noo xoreeynaayo sababo badan darteed oo ay ka midyihiin.
    1-in ciidankeeni yahay ciidan aan qabin qibro weyn iyo qalab dagaal oo ku filan iyo waliba niyad jab ow ciidankeenu qabo oo ah in askari shisheeye qaato kun doolar iyo siyaado iyo qalab dagaal oo ku filan halka askarigeenu qaadanaayo mushaar u dhaxeeyo boqol illaa labo boqol oo doolar isagoo wadankiisi iyo shacabkiisi difaacaayo.
    2-in ciidamada afriko aysan mushaarka ay wadankeena ku qaataan aysan wadankooda ku helayn sidaas dartood ay joogitaanka wadankeena dani ugu jirto taasina aysan dhicikarin marhadii wadanku amni noqdo waxaana indhaheena ku aragnay askar afrikaan ah oo waraysiyo laga qaaday oo qirtay in aysan rabin in nabad diidka soomaaliyo laga tirtiro waayo waxeey yiraahdeen soomaaliyo waxaan kuqabnaa dhaqaalo aanan wadamadeena ka heleyn.
    3-in ay ciidamada amisom ka mid yihiin labo dowladood oo soomaaliyo kala dhaxeeyso colaad soo jireen ah waa itoobiyo iyo kenyo.
    waxaana labadaas dowladood shaki ku jirin in aan dani ugu jirin in soomaaliyo nabada ama xoog lehi ay soo noqoto waayo waxeey soomaaliyo u arkaan cadaw jiiraan la ah qaasatan itoobiyo, waxaana muuqato in soomaalida qaar ka mid ah ay ilaabeen cadawgaas soo jireenka ah, carabtu waxeey ku maahmaahdaa xaamiiyhaa xaraamiiyhaa oo macnaheedu yahay waardiye waxoow waardiyeeynaayay dhacaayo ama cidoow illaalinaayay dilaayo, marka waxaan shaki ku jirin in dowladu ku qaldantay ineey itoobiyo iyo kenyo raali ku noqoto ineey ka midnoqdaan ineey ka midnoqdaan ciidamada afriko waayo waa waxaan taariikhda la arag dowlad cadawgeeda u kaashato inoow cadaw uga xoreeyo wadankeeda.
    4- in aan illaa hada la dhisin ciidan soomaaliyeed oo si fiican loo soo xulay loona tababaray ineey wadankooda amnigiisa gacanta ku dhigaan.

    XAL .
    1-in dowladu yeelato qorshe dowladnimo oo lagu dhisaayo ciidankeeni loona carbiyo sidii ay wadanka uga tirtiri lahaayeen nabad diidka kana faa,iideeysato qibradii ay ka dhaxashay intii cadawga lala dagaalaayay wixii qalad ah oo dhacay iyo wixii guul ah oo la gaaray.tusaale guul in ciidamadeenu muujiyeen geesinimo intii ay dagaalada ka qayb qaateen lana xoreeyay meelo badan oo cadawgu gacanta ku haayeen taas oo muujisay hadii ciidankeena lagu dadaali lahaa ineey goor hore amniga wadanka ku filnaan lahaayeen.
    tusaale qaladka dhacay in labada dowladood ee jaarka ka qayb gelintoodi lagu qaldamay taasina ay ku cadahay in itoobiyaan meelihii ow joogay ay shabaab gacanta ku haayaan sida magaalooyinka ka midka ah galgaduud
    kenyaankina aanoow xitaa ku guuleeysan inoow kismaayo hareeraheeda xoreeyo.
    2-indowladu sameeyso dhaqaale u qaas ah ciidamada lagana dhigo mushaarka askariga soomaaliyeed qaato mushaarka ugu badan ee owqaato shaqaalaha dowlada taasina waxeey keeneysaa in askariga dagaalaayo ow wadanka difaaco isagoon ilmihiisi ka fekereyn
    iyo in dhalinyaradeenu helaan niyad ay uga midnoqdaan ciidamada markey arkaan sida loogu dadaalaayo ciidamada,waxaa laga yaabaa in dowladu tiraahdo inteen dhaqaalahaas uga keenayaa ciidamada laakiin waxaan shaki ku jirin in hadii dowladu keento qorshe ciidan oo wadani ah in xitaa qofka soomaali ugu faqiirsani ka qayb qaadan doono waayo ciidankeena oo la dhiso waxeey soo afjari laheed dagaalka cadaawaha lagula jiro iyo xitaa kala qaybsanaanta shacabkeena dhaxtaalo waayo ciidanka soomaaliyeed waa meesha ugu nadiifsan ee ummaddeenoo dhami isku raacsantahay hadii la dhisana wadanka iyo shacabkuba heli lahaayeen darbi xoog leh oo laga dugsado cadawga oona xifdiyo xuduudaha wadankeena.
    3-waxaan soo jeedin lahaa in dowladu ka qayb geliso shacabka dib u dhiska ciidamada oo ay waliba gudigii ay culumada soomaaliyeed hogaaminaayeen ee isu xilsaaray ineey qaabilaan qaxootiga soomaaliyeed ee yamen in gudigaas dowladu u bandhigto in aykala qayb qaataan dib u dhiska ciidankeena waayoo waxaan indhaheena ku aragnay sidii ummadda soomaaliyeed u ajiibeen baaqii culumada soomaaliyeed iyo guushii la gaaray waqtigaas yar oo shacabki oo dhami ka qayb qaatay sidii loo badbaadin lahaa qaxootiga walaalaheena, marka waa fursad qaali ah in dowladu inti karaankeeda dadaasho shacabkeedana kaashato si loo dhiso ciidan wadani ahoo waliba ciidanka la dhisaayo noqdo dad aad loo soo xulay gobalkasto.
    4-in dowladu afkeeda furato una sheegto bahda caalamka iyo afrikaba ineeysan marna ku raali noqoneeyn in askarigeedu qaato mushaarka bahdilka ku ah askarigeena waxaana hubaa hadii caalamku arko in dowlada ay xooga saarto dadaalkaas in kama dambeynta la aqbali doono dalabkeeda waayo caalamkaanu ma yaqaano illaa cod xoogleh.
    5-in dowladu dadaal dheer ku bixiso in canshuur qaadista lagu fidiyo wadankoo dhan ayna baarlabaanku soo saaraan go,aamo kama dambeys ah oo gobolada oo dhan looga qaado canshuurta si dowladu u gudato waajibaadka saaran oo gobolkasto lasiiyo inta ku filan inta kalana lagu shubo khasnada dowlada masuulna looga dhigo gacmo aamin ah.
    6- in la sameeyo xamlo towciyo ah oo wadankoo dhan ah oo ay ka qayb qaataan culumada, bahda warfaafinta, indheergaradka ,haweenka, dhalinyarada oo ah doorka ciidamadu wadanka ku leeyihiin iyo sidii loo dhisi lahaa ciidan wadani ah.

    kama dambeynti waxaan illaaheey ka baryayaa ineey dowladeenu noqoto mid u dhago furan talooyinka ay soo jeediyaan shacabkeena jecel in dowlada la garab istaago si ay ugu fududaato mas,uuliyada ay hayso iyo si wadanku uga baxo wareerka owku jiro.
    waxaan kaloo illaaheey ka baryayaa inoow shacabkeena fahansiiyo ineey fahmaan ineey dhistaan ciidan wadani ah oo ku filnaado inoow wadankeena ka difaaco dhibaatada iyo colaada wadankeena la hartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here