Gudiyada Baarlamaanka oo maanta qaabilay 8 Wasiir

0
1244

 

Xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiyada ayaa waxaa maalintii Seddexaad ka soconaya kulammo howleedyo ay guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka qaarkood su’aallo ku weydiinayaan Wasiirrada  Xukuumadda iyadoo maantana la qaabilay Sideed Wasiir si wax looga ogaado qorshe howleedka Wasaarradaha.

Gudoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa shir guddoomiyey Kulan ay guddiyada ganacsiga ku qaabileen Mudane Maxamed Xasan Aadan oo ah  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshada,kulan ay guddiga beeraha ku qaabileen Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Saciid  Xuseen Ciid oo uu wehliyey Wasiir ku xigeenkiisa,kulan ay guddiga Kheyraadka ku qaabileen Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahin iyo kulan ay guddiga dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ku qaabileen Wasiirka Wasaarradaasi Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka hadlay muhiimadda kulammadan ay guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka la yeelanayaan Wasiirrada Xukuumadda iyo rajada uu ka qabo iney howlaha qaranka wadajirka looga doonayo labada dhinac u fududaadaan.

Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa isaguna shir guddoomiyey kulan ay guddiga Arrimaha bulshada ee Baarlamaanka ku qaabileen Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Mudane C/weli Ibraahin Sheekh Muudeey iyo kulan kale oo isna su’aallo lagu weeydiiyey Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sportiga Mudane Maxamed C/laahi Xasan (Nuux).

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka ayaa xusay in markan ay gebogebo ku dhow yihiin kulammo howleedyada u dhaxeeya guddiyada joogtada ah iyo Wasiirradaha Xukuumadda.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isaguna shir guddoomiyey kulan howleed ay guddiga Arrimaha dibadda ee Baarlamaanka ku qaabileen Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Khaalid Cumar Cali iyo kulan ay guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamaanka ku qaabileen Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyey Wasiirrada Xukuumadda sida ay ugu gacan siinayaan guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waajibaadkooda shaqo ee uu Baarlamaanku u igmaday.

Kulammo howleedyadan ay guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka su’aallaha ku weeydiinayaan Wasiirrada Xukuumadda ayaa hakad gelaya maalinnimada berri ah sababo ku aadan kulanka Baarlamaanka oo jira waxaana haray in su’aaloo la weeydiiyo ilaa shan wasiir, ajandaha kulanka Baarlamaanka ee berritana waxa uu ka kooban yahay in Golaha Shacabka uu hor yimaado Gudoomiyaha Bankiga dhexe si su’aallo loo weeydiiyo,sidoo kalena waxaa Xildhibaannada loo qeybin doonna hindise sharciyeedyo uu ka mid yahay Xeerka Saxaafadda Qaranka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here