Gudoomiyaasha labada Aqal BFS oo Jabuuti kula kulmay Gduoomiyaha Baarlamaanka Djabuti.

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Moxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman iyo Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey Gudoomiyaha Barlamaanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Maxamed.

Masuuliyiintaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan.

Gudoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho rasmiya ku jooga Caasimada Jamhuuriyada aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here