Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland oo magacaabay Guddiga Doorashada Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa magacaabay Guddiga Qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ku matalaya Puntland.

Magaacaabistaan ayaa kusoo aadeyso ayadoo uu Madaxweyne Dani shaaciyey liiska Musharixiinta ku tartami doono kuraasta Aqalka Sare ee Puntland laga soo doorto.