Gudoomiyaha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo booqday Xerooyinka Qaxootiga ee Jabuuti

0
993

Wefdi uu hogaaminaayo gudoomiyaha Baarlamaanka ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta booqday xeriyaha ay ku jiraan dadka ka soo cararay dalka Yeman oo ku yaala dalka Jabuuti,gudoomiyaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan Baarlamaanada Jaamacadda Carabta.

Gudoomiyaha ayaa dadka ku jira Xero ku taala magaalada Ubokh ee dalka Jabuuti ku booqday dadka Qaxootiga ah isla markaana uu xaaladooda ka xog wareystay qaar kamid ah horgoojiyaasha xeradaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ururka Jaamacadda Carabta ayaa dowladda Jabuuti ugu mahadceliyay sida wanaagsan oo ay u soo dhaweeyeen dadka ka soo baxsanaya dagaalada ka socda dalka deriska la ah ee Yeman, isagoo sidoo kalena tilmaamay dhibaatada haysatay dadkan uu gaarsiin doono madaxda Jaamacadda Carabta.

Maalinta beri ah ayaa dalka Jabuuti waxaa ka furmi doona shir ay isugu imaanayaan Baarlamaanada dalalka Jaamacadda Carabta kaas oo ajendiyaashii ay kamid ah noqon doonaan wax u qabashada dadka Qaxootiga ah.

Wefdiga maanta booqday xeriyaha Qaxootiga ee dalka Jabuuti ayaa sidoo kale waxaa kamid ah xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo shirkaasi ka qeybgali doona.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here