Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Guddoon siiyey Shahaado Sharaf Uu Ku Muteystay Dhowrista Afka Soomaaliga “SAWIRRO”

2579

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari lagu guddoon siiyey shahaado sharaf taasi oo ay u soo garteen maamulka iyo howlwadeennada Shabadda Wararka Kulmiye oo xarunteedu tahay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan shahaado sharafta lagu guddoon siiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa ku sugnaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka,wariyeyaal iyo maamulka Shabadda Wararka Kulmiye oo iyagu shahaado sharaftan u soo gartay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha shabakadda wararka Kulmiye Abwaan Cusmaan C/laahi Guure oo hadal kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka ogolaanshaha uu ka ogolaaday Shahaado Sharaftan waxaana uu tilmaamay in uu ku muteystay maadaama uu mar walba Gudoomiye Jawaari ku hadlo Af Soomaali sax ah oo uusan khudbadihiisa kusoo dhex darin afafka qalaad isaga oo weliba ah mas’uul ku hadla amaba yaqaana luqado badan sida English,Arabic,Italy iyo Norwegian.

Abuukar Axmed Al-Badri oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed islamarkaana ay shabakadda Wararka Kulmiye u wakiisheen in shahaado sharaftan uu u goddoon siiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isaguna hadal kooban ka jeediyey Munaasabadda ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in Prof Jawaari uu guddoon siiyo shahaado sharaftan waxaana uu madasha kasoo gudbiyey fariin ku aadaneyd in xarunta Baarlamaanka xiliyada ay shirarku ka socdaan Xildhibaannada qaarkood ka joojiyaan adeegsiga ereyada afafka kale ee qalaad.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Munaasabadda ka jeediyey hadal kooban ayaa uga mahad celiyey maamulka iyo howlwadeennada Radio Kulmiye garashada ay u soo garteen shahaado sharaftan waxaana uu dhanka kale Gudoomiyaha ugu hambalyeeyey maamulka iyo wariyeyaasha Radio Kulmiye sanad guurrada 4aad ee kasoo wareegatay aas aaska Radio Kulmiye.

IMG_0779

IMG_0782

IMG_0784

IMG_0785

IMG_0789

IMG_0799

IMG_0807

IMG_0817

IMG_0824

IMG_0841

Did you like this? Share it:

2 COMMENTS

  1. maasha allah waa wax lugu farxo hadii madax kasta ay saas u dhawri lahaayen luuqadooda hooyo sharafbay lahaan lahaayen. lkn reer magaalnimay u arkaan in luuqad shisheeye lugu hadlo. gudoomiyaha baarlamaankuna waa nin maasha alah ah allaha dhawree, ilaah hadaayo

  2. Prof. Maxamed Sh Cusmaan Jawaari, wuu mudanyahay shahaadadaan iyo kuwo kaleba in la gudoonsiiyo, sida anshaxa iyo maamul wanaaga, waxan odhan karaa nin miisaan leh oo magacyada waa la iska sheegtaaye ah Oday soomaaliyeed oo xil kas ah. maasha Allaah Prof. Jawaari waad ku mahadsantahay dhawrista Af-Soomaaliga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here