Gudoomiyaha cusub ee degmada Waaberi oo manta xilka la wareegtay

3098

Gudoomiyaha cusub ee degmada Waaberi ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka maamulka degmadaasi.

Xafladdii xilwareejinta oo ka dhacday xarunta degmadaasi ayaa waxaa gob jog a ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo kan degmada Waaberi iyo qaar ka mid ah ulshada key nool degmadaasi.

Guddoomiyihii hore ee Degmada Waabari oo haatana ah guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed ayaa tilmaamay in muddadii uu xilka hayay uu howlo wax tar leh ka qabtay degmada Waaberi.

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Waabari Xaawa Maxamuud Cali oo munaasada ka hadashay ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto Hormarinta Degmada iyo Bulshada,

“Haddii ilahey idmo waan idinla shaqeyn doono ee waxyaa bihii la soo qabtay ee wanaagsanay waan kaga dayan doona waxyaabaha socdana waan idinla sii riixi doona waan rajeynaya insha allah ana inaan fikir keyga iyo inastif keyga aan la imaado ee waxaan rajeynaya insha allah shaqa hufan een waxaa la yiraahda inaa idin la qabto een idinkana waxaan idinka rabaa inaad garba ii noqataan hadeydan garba ii noqo nin waxba ma gaari karo” ayeey tiri gudoomiyaha cusub ee degmada Waaberi.

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here