Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo maanta booqday Jalalaqsi”Dhageyso+Sawirro”

2892

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa maanta booqday degmada Jalalaqsi, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyeen cutubyo ka tirsan ciidamada XDS iyo kuwa ka socday AMISOM.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax  ayaa ka qeybgalay munaasabad ay ciidamada jabuuti kula wareegayeen difaacyadii ciidamada Burundi ku lahaayeen magaalada Jalalaqsi.

C/fitaax Xasan Afrax ayaa ku ammaanay ciidamada Jabuuti sida wanaagsan oo ay uga howlgalaan gobolka Hiiraan, wuxuuna ugu baaqay bulshada ku dhaqan degmada Jalalaqsi iney si wanaagsan usoo dhaweeyaan ciidamada ka socda walaalaha Jabuuti.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ujeedada safarka uu ku tagay Jalalaqsi uu ku qotomay sidii ciidamada Jabuuti loogu wareejin lahaa difaacyadi ciidamada Burundi.

120112_007

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 14 17 DSC01660

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here