Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo xariga ka jaray mashruuca Leyrarka ileyska Cadceeda”SAWIRRO”

2246

Iyadoo mudooyinkii dambe wadada Laamiga ah ee dhexmarta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu ka soconayay mashruuca lagu gelinaayo leyrarka ku shaqeeya ileyska cadceeda ayaa maanta waxaa si rasmi ah xariga ugu jaray gudoomiyaha gobolka Hiiraan ka dib munaasabad lagu qabtay halkaasi.

Taliyaha Saldhiga Boliiska ee gobolka Hiiraan Korneel Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alle oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sheegay in leyrarka lagu rakibay wadooyinka magaalada ay qeyb ka qaadanayso amaanka.

Korneel Mahad-Alle ayaa codsaday in wado kasta oo marta magaalada Beledweyne lageliyo leyrarka ileyska cadceedka ku shaqeeya si ciidamada amniga ugu sahlanaato in ay xaqiijiyaan amniga iyo xasiloonida magaalada.

Qaar kamid ah dadka ku ganacsada hareeraha wadan laga hirgeliyay Nalalka ileyska cadceeda ayaa si weyn u soo dhaweeyay iyagoo sheegay in talaabadan kor u qaadi doonto dhaq dhaqaaqa ganacsi ee hareeraha wadan ka jira.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan maamulkiisa gacan ka siisay dowladda Norway isla markaana mashaariic kale oo ay kamid yihiin suuqyo ay hadda dhismahooda ka socoto magaalada Beledweyne.

“96 Baalo waaye waxaa ay I nooga dhiganyihiin 96 askari oo Boliis ah oo dariiqa taagan xagga nabadgeliyada, dadka ayaa habeenkii ku ganacsiga ilaa 6da subaxnimo ayay shidan yihiin” ayuu yiri gudoomiye Afrax.

Gudoomiye Afrax ayaa sidoo kale sheegay in qalab lagu dayactiro marka ay waxyeelo soo gaarto Baalooyinka la soo gaarsiiyay maamulka.

DSC_4851

hiiraan 2

hiiraan 3

hiiraan 5

hiiraan 6

hiiraan

hiiraan_1

iraan 4

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here