Gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe oo booqday degmada Mahadaay “Sawirro”

0
2455

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta booqday degmada Mahadaay isagoo u kuur galay xaaladda nololeed ee dadka ay saameynta ku yeesheen roobabka iyo fatahaadda wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe waxaa booqashadiisa ku wehliyay guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada maamulka gobolka Sh/dhexe Muxumad Sugaal, taliyaha qeybta Booliska gobolka Sh/dhexe,  Col Khaliif Cabdulle Cismaan iyagoo kormeeray saldhigga Booliska degmada Mahadaay, isbitaalka, suuqa degmada Mahadaay,  dugsiyada waxbarashada iyo xaafado ay saameyn ku yeesheen roobabka iyo fatahaadda wabiga.

Guddoomiyaha ayaa warbixino ku saabsan saameynta ay roobabka iyo fatahaaduhu ku yeesheen degmada Mahaday ka dhageystay guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax .

Dhinaca kale gudoomiye Guudlaawe ayaa sheegay inuu wax u qaban doonaan dadka ku barakacay roobabka iyo fatahaadaha. Waxana uu sheegay in kormeerkiisa ay ku weheliyaan injineero dhismaha ah kuwaasoo qiimeyn ku sameynayay mashaariicda horumarka ee lagama maarmaamnka u ah bulshada degmada sida isbitaalka iyo iyo iskuullada.

 

 

Axmed Xuseen Afrax gudoomiyaha Mahadaay ayaa dhinaciiisa soo dhaweeyay mashaariicda horumarineed ee laga hirgelin doono degmada Mahaday, wuxuuna tilmaamay in dadka ku nool Mahadaay aysan heysan adeegyada aas aaska u ah nolosha dadka.

boqasho-mahaday-1 boqasho-mahaday-2 boqasho-mahaday-3 boqasho-mahaday-4 boqasho-mahaday-5 boqasho-mahaday-6 boqasho-mahaday-7 boqasho-mahaday-8 boqasho-mahaday-9 IMG_8705 IMG_8751

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here