Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay magalada Buuhoodle (Sawirro)

1620

Wafdi uu hoggaaminayo gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Soomaliya Abuukar Cawaale oo uu qayb ka yahay Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey ayaa  lagu soo dhaweeyay magalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Soo dhawaynta wafdigan waxaa ka qayb galay mamulka degmada Buuhoodle ,Odayaasha dhaqanka Buuhoodle iyo ardayda Jaamacadda Bariga Africa, kuwaasoo kaga hortagay qiyaastii meel u jirta magalada 10-KM, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inuu Gobalka soo gaaro wacyi galinta joojinta Qaadka Soomaaliya uga yimaada dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Maxamed Xasan Faarax oo ugu horayntii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay dadka in laga wacyi galiyo waxyaabaha dhibka ku haya oo ay ka mid tahay maandooriyaha Qaadka, masuulkani ayaa sheegay inuu garab istaagayo Olalahan uu wado Abuukar Cawaale.

Caaqil Cabdisamad Cali Xasan, Caaqil Cabdilaahi Xasan iyo Nabadoon Ibraahim Cali Shirre oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka Buuhoodle ayaa dhankooda sheegay inay dowr ka qaadan doonaan Olalaha la-dagalanka Qaadka, waxay sheegeen inuu soo gaaray wacyi galintan waqti loo baahnaa.

Abuukar Cawaale Qaad-diid oo Puntland ka wada wacyi galinta joojinta Qaadka ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay inuu ku faraxsan yahay soo gaaristiisa magalada Buuhoodle, waxa uu Cawaale sheegay inuu ku hanwayn yahay shacabka degmada Buuhoodle inay gaarto wacyi galintan oo muhiim u ah qof kasta oo Soomaali ah inay gaarto.

Inta uu jooga Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka magalada Buuhoodle waxa uu booqan doonaa xarumaha waxbarashada, si loo gaarsiiyo barnaamijkan,waana markii ugu horaysay gobalka ay wacyi galintan soo gaarto.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here