Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo ka qeybgalay aaska Xildhibaan Yuusuf Dirir

0
1156

Allah u naxariistee  marxuum xildhibaaan  Yusuuf  Dirir Cabdi oo kamid ahaa  mudanayasha Barlamaanka   federaalka Soomaaliya   oo  gacan ka xaq-daran ay magaalada Muqdisho  ku dishay  23 kii bishaan  ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho waxaana ka qayb  galay  guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka  guddoomiye ku xigeenka labaad golaha shacabka Soomaaliyeed  xubno katirsan  labada Gole ee dowladda Soomaliya  iyo qaar ka mid ah eheladiisa.

Meydka marxuumka ayaa  salaadda janasadda lagula  dukaday Cusbitalka Madiina   isla markaana lagu aas-aasay qabuuro ku yaalla cusbitalkaasi.

Dhamaan dadkii ka qayb  galay aas-ka marxuunka ayaa si wada jir ah waxa ay  allah kaga  baryeen in uu ka waraabiyo janadii farsowso.

Guddoomiye ku xigeenka  1aad  Golaha shacabka Soomaaliyeed  Mudane Jeylaani Nuur  Iikar oo warbaahinta kula hadlay  qabuuraha ayaa  ugu horayn  tacsi tiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed  iyo eheladii uu ka tagay,isagoona  tilmaamay  in sida ugu dhaqsiyaha badan cadaaladda loo horgeeyo kuwii ka dambeyey  dilka  marxuumka.

“Anigoo ku  hadlaya   magaca  Guddoonka   Barlamaanka  iyo magaca xildhibaanadda  waxaan  halkaan  tacsi uga  diraynaa  qoyskii  iyo eheladii  qarabadii uu ka geeriyaaday  Yusuuf  Diirir, Ilaahay waxaan uga  baryeynaa janatul fardowso, Yusuuf   ma ahan inaan ka sheekayn karno, aniga waxaan u malaynaa  inaan ahaa ninkii   ay isku dambeyeen , waa nin  ku dheer muwaadinimadda , waa nin waligii ku riyoonayey midnimadda nabadda   horumarka  umadda Soomaaliyeed”. ayuu yiri Jeylaani.

Abuukaate Caydiid Cabdulahi  Ilka Xanaf guddoomiyaha maxkamadda Sare ee dalka   ayaa   ka sheekeyey  tariikhda marxuum xildhibaan  Yusuuf Dirir  isagoo  ku tilmaamay in  uu ku sifoobay Yusuuf Diirir jeceylka midnimadda  ummadda Soomaaliyeed

“Yusuuf Diiri  kolay  dadka  meshaan jooga magacaa  kuwii dhalay iyo kuwa ladhashay cid walba  anigaa ugu  aqoon badan ,markii iigu horaysay waxaan  garanayey  1953 tii markii  oo uu ka baxayey  dugsiga dhexe,anagoo  rag dhalinyaro ah ayaa u tumayey music qoladii meesha ka baxaysay ayaan ka mid ahaa ilaa intaa waan ka warhayey meel kasta uu marayey   iyo waxkasta ee uu samaynayey,wuxuu ahaa nin aad mutacalim u ah ,aad iyo aad  qof haduu mutacalim yahay khibrad badana ku darsaday, wuxuu  ahaa nin aad  iyo aad ugu soo halgamay  Soomaali midnimada,wuxuu ka ahaa nin ay aad ugu weyn tahay midnimadda  umadda Soomaliyeed”.ayuu  yiri Ilka-xanaf.

Xildhibaan Dirir, Waxaa uu ku dhashay magaalada  Ceerigaabo ee gobolka Snaag sanadka markuu ahaa 1934-tii, isagoo ka baxay Iskuulka caanka ah ee Sheekh  uuna ka mid ahaa ardaydii ugu horeysay ee ka baxaday Iskuulkaasi,Waxaa xiligii daakhiliga 1958-kii loo diray dalka Ingiriiska isagoo halkaas ku soo bartay cilmiga dhaqaalaha, dii. 1969-kii, Yusuuf Dirir, waxaa uu ahaa lataliyaha  dhinaca xiriirka Caalamiga Madaxweyanahi hore ee dowladii Kacaanka ee Soomaaliya  Maxamed Siyaad Barre allah naxariistee  waxaa uu  iminka  ka mid  ahaa  golaha  shacabka Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here