Gudoomiye Jawaari oo la kulmay wefdi ka socda Qaramada Midoobay”SAWIRRO”

0
1504

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa xarunta Villa Hargeysa kulan kula qaatay wafdi ka socday Midowga Afrka iyo Qaramada Midoobay.

Kulankan oo  ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed,taliyaha ciidamada xooga dalka Sareeya guuto Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) iyo qaar ka mid ah la taliyaasha xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa loona dardargalin lahaa howlaha ay ciidamada XDS iyo AMISOM ku xoreynayaan goobaha ay wali gacanta ku hayaan ururka UGUS.

Kulan ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay sidii loo hubeyn lahaa ciidamada XDS iyo Booliska si ay u fuliyaan howlaha qorsheysan iyo sidii loga howlgalin lahaa in la  dhiso ciidan qaran.

Kulan ayaa waxaa sidoo kale looga dooday sidii la isugu dhafi lahaa ciidamada  kala duwan ee jooga gobolada dalka.

Kulankan uu gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” uu la qaatay wafdiga ka socday Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa dhanka siyaasada looga hadlay sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha maamul goboledyada iyo hirgalinta hiigsiga sanadka 2016.

DSC_6116 DSC_6117 DSC_6121 DSC_6122 DSC_6123 DSC_6124 DSC_6125 DSC_6126 DSC_6128 DSC_6131 DSC_6132 DSC_6133 DSC_6134 DSC_6135 DSC_6139

Sawir Qaade: Cilmi Waare

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here