Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka oo qaabilay wefdi  ka socda UNDP

0
877

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi ka socda hay’ada QM u qaabilsan horUmarinta barnaamijyada ee UNDP.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa oo ay ku yaalaan xafiisyada guddoonka iyo guddiyada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ku saabsanaa dhameystirka howlaha horyaala Baarlamaanka iyo sidii loo fududeyn lahaa taageerrada ay u baahan yihiin howlahaasi fulintooda.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey hay’adda UNDP taageerrada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Baarlamaanka Soomaaliya waxaana uu dhanka kale faah faahin ka siiyey halka ay marayaan howlaha Golaha iyo yoolka bartilmaameedka u ah Baarlamaanka.

Mas’uuliyiinta ka socotay hay’adda UNDP ayaa dhankooda ammaanay sida ay u socdaan howlaha Baarlamaanka waxaana dhanka kale ay ballan qaadeen iney sii laba jibaari doonaan taageerrada ay siiyaan Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaanna sidii loo fududeyn lahaa howlaha guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka.

Kulankan uu guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad la qaatay wafdigan ka socda hay’adda QM u qaabilsan hormarinta ee UNDP ayaa qeyb ka ah kulammo ay guddoonka Golaha Shacbaka la qaadanayeen madaxda hay’adaha taageerra Baarlamaanka kuwaasi oo dhammaantood ku saabsanaa dhameystirka howlaha horyaala Baarlamaanka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here