Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo ka qeybgalay Munaasabad kor loogu qaadayay is dhexgalka bulshada oo Muqdisho lagu qabtay

2272

 

Munaasibaddan oo aheyd mid si wanaagsan loo soo qabanqaabayay ayaa lagu maamusayay isdhex galka bulshada iyo wacyigelinta howlaha la xiriira qaadista canshuurta ayaa waxaa ka soo qeybgalay  Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca siyaasadda  maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye, qeybaha bulshada degmadaasi iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa suugaan madadaallo ah ku soo bandhgay kooxaha kala duwan ee fanka.

Gudomiyaha degmada Hodan Xaawo Maxamud Cali “Xaawo-Kiin” oo ugu horeyna munaasabada ka hadashay ayaa sheegtay  in bulshada degmada Hodan ay diyaar u yahiin in ay bixiyaan canshuuraha si loo horumariyo adeegyada bulshada ee deeganka.

“Kulamaa canshuurta la bixiyo  reer Hodan waxa ay aaminsanyahiin, inay horseedayso in la helo Laamiyaal fiican, iyo dhismayaal wanagsan,  horumar degmada dhexdeeda iyo horumarka  gobolka,  canshuurta oo la bixiyo  in lagu heli karo  horumarinta  adeegayada bulshada” ayay tiri Xaawo Kiin.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada maamulka  gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo ugu dambeyntii munaasabadda ka hadley  ayaa sheegay in talaabadan ay qeyb ka tahay qorshe uu dajiyay maamulka gobolka Banaadir kaas oo lagu horumarinayo Adeegyada bulshada ee degmo walba.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here